Gudoomiyaha degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool Maxamed Cabdulle Food Cadde ayaa waxa uu ka hadlay xaalada degmadaasi tan iyo markii 2014 bishii 8-aad ay gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoona mudo ku dhow sideed sano ay halkaasi maamuli jireen ururka Al-shabaab.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in degmada hada xaalkeeda uu yahay mid dagan, waxaana intii ay la wareegeen dowladda ay dagaalo fara badan la galeen ururka Al-shabaab.
Dhanka kale gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in hada degmada aanan saarneyn wax go’doon ah wadooyinkeedana ay furan yihiin.
Waxaana uu sheegay in ganacsatada ay wali ka baqanayaan Al-shabaab ka dib markii wadooyinka soo gala degmadaasi dhowr jeer o hore dilal loogu geystay dad shacab ah.


