DHAGEYSO: Maamulka Mahadaay oo ka hadlay Qaraxa ka dhacay Degmadaasi

Mahadaay-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geystay oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay gudaha Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxan ayaa ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso, waxaana la dhigay goob Maqaaxi ah, oo halkaasi ku taalla, sida ay sheegeen Maamulka Degmada Mahadaay.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacantay 7 Qof oo mid ka mid ah uu yahay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.

Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Saalax Xaaji oo caawa la hadlay Risaala ayaa sheegay in lagu raad joogo warggii falkan geystay, si cadaalada loo marsiiyo.