DHAGEYSO: Maamulka Mahadaay oo bilaabay howlgal la isugu furaayo Mahadaay iyo Jowhar

Cali Aadan Xoghayaha Dowladda Hoose ee degmada Mahadaay gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxaa uu ka warbixiyay howlgallo maalmihii u dambeeyay ay ka wadeen gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xoghayaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada ujeedkooda uu yahay sidii la isugu furi lahaa wadooyinka u dhaxeeya degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay  ee Shabeelaha Dhexe.

Cali Aadan ayaa sidoo kale tilmaamay in howsha ka socta degmada mahadaay ay tahay howl qabyo ah oo in la dar dar galiyo u baahan , waxaana uu shaaciyay in mudadii la soo dhaafay ay dowlad la’aanta jirtay in wadooyinkaas dad kor u dhaafaya 25 qof siyaabo kala duwan loogu dilay.

Hadalka Cali Aadan Xoghayaha Dowladda Hoose ee degmada Mahadaay gobolka shabeelaha Dhexe Xilli xarakada Al-shabaab Wadooyinkaas horay miinooyin iyo waxyaabaha qarxa ugu aastay.