Duleedka Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay beelo walaalo ah oo wada dega gobolka Hiiraan.
Bulshada Magaalada Baledweyne ayaa waxaa isugu darsoomay dagaal iyo fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle ee maraya Bartamaha Magaalada Baledweyne.
Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaan cawa wax ka weydiinay dagaaladii maanta ka dhacay Galbeedka Beledweyne.