DHAGEYSO: Maamulka gobolka” Waxaan soo qabanay dad ka ganacsanayay waxyabaha maanka dooriya”

Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa uga digay shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir in xaafadaha iyo waliba guryaha lagu qariyo dadka ka shaqeeya waxyabaha maanka dooriya.

Gudoomiyaha wuxuu hadalkan ka sheegay xilli shalay ciidamada booliiska gobolka Banaadir ay howlgal ka sameeyeen degmada Hodan ee gobolka Banaadir lagu soo qabtay dad ganacsato kuwaas oo ka shaqeeya waxyaabaha maanka dooriya.

Gudoomiyaha gobolka ayaa sidoo kale sheegay in dhibaato ay ku tahay gobolka Bnaadir in waxyaabaha maanka dooriya lagu iibiyo.

Isagoona sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu qaadi doono talaabooyin arintaasi looga hortagayo.

Shacabka ku dhaqan muqdisho ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga si looga hortago talaabooyinka noocaas oo kala ah.

Hadalkan ka soo baxay Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa waxa uu imaanaya xilli shalay ciidmada dowladda federaalka Soomaaliya ay howlgal ka sameeyeen degmada Hodan ee gobolka Banadir lagu soo qab qabtay dad ku howlanaa waxyaabaha maanka dooriya.

Gudoomiaya ayaa tilmaamay in howlgalada ay sii socon doonaan.