DHAGEYSO: Maamulka gobolka oo sheegay In la adkeyn doono amaanka muqdisho

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda gobolka baanaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh  oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu horeyn laamaha amaanka ka dalbaday inay soo qabtaan cid walbo falal amaanka lid ku ah ka geysanaysa gobolka baanaadir iyo guud ahaan dalka soomaaliya

Sido kale wuxuu shacabka Soomaaliyeed kula dar daarmay inay laamaha amaanka iyo ciidanka kala shaqeeyaan soo qobashada dadka wax yeelada ka geysta magaalada muqdisho

Dhanka kale wuxuu sheegay in maamulka gobolka banaadir ay wadaan barnaamijka darseenta oo fududeeynaysa soo qabashada dadka  falalka amaanka lidka ku ah waa sida uu tilmaamay.

Hadalka Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasada gobolka baanaadir ayaa imaanayo iyadoo shalay duhurkii ay hoobiyaal ku dhaceen dagmooyin ka tirasan gobolka banaadir.