DHAGEYSO: Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay Qaraxii The Village

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qaraxa ka dhacay Maqaaxida The Villaga oo ku taalla Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa ahaa mid loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay, waxaana lagu dhuftay Darbiga Maqaaxida The Village.

Maqaaxida The Village waxaa isugu yimaada Wariyeyaasha Magaalada Muqdisho, oo halkaasi ku kala war qaata.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay Qaraxan in uu ku dhintay Ismiidaamiyihii oo keliya, waxaana ku dhaawacantay 4 Qof oo kale.

Waxa uu sheegay Ciidanka Amaanka Dowladda Federaalka in ay fashiliyeen Qaraxan, sidoo kalena Ciidanka ay soo eryanayeen Gaariga Qarxay.

Sawiro laga soo qaaday goobta uu ka dhacay Qaraxa ayaa muujinaya bur bur xoogan oo soo gaaray dhismayaasha ka akdhow goobta uu Qaraxa ka dhacay.