Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble oo u muuqday mid ka jawaab celinayay warqadii shalay ka soo baxday Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee 11-ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay Degaan Doorashooyinka Dalka ka jira.
Waxa uu sheegay in aysan cidna ka dhageysaneyn xildhibaanadii lagu soo doortay Magaalada Jowhar oo Labo ka mid ah ay ku jireen 11-kii ay laaleen Guddiga Xalinta Khilaafaadka.
Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele ayaa sheegay xilshibaanadii lagu doortay in ay u arkeen kuwo meteli kara shacabka ku nool Degaanadaasi.
Waxa uu meesha ka saaray in wax baalmarsan Habraaca Doorashooyinka lagu soo doortay xildhibaanada Hirshabeelle ku metelaya Labada Aqal ee Baarlamaanka soo socda.
Horey ayaa warqadii ka soo baday Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ee Dalka waxaa uga hor yimid Guddiyada Doorashooyinka Maamulada Koonfur Galbeed iyo Puntland.


