DHAGEYSO: Maamulka Gobolka Banaadir oo digniin Cusub soo saaray

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray digniino cusub oo ku aadan in aan xoolaha lagu qali karin xaafadaha magaalada Muqdisho inta lagu gudajiro maalmaha ciida.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay tilaabo ka qaadi doonaan cidii lagu qabto , iyadoo xoolo ku dhax qalaysa magaalada Muqdisho.

Afhayeenka gobolka Banaadir ayaa sheegay in dadka kunool Muqdisho looga baahan yahay in ay xoolaha ku qashaan ka waanada uu maamulka gobolka Banaadir uu u asteeyay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in maagaalada ay ku yaalan labo kawaan oo sharci ah , kuwaa soo loogu talagalay in xoolaha lagu qalo , waana Kawaan Bar iyo sidoo kale Nasiib