Gudoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa ka hadlay Nabaddoon la sheegay Al-Shabaab in ay ku gowraceen degaan ku yaalla gobolka Gedo.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dilka Nabaddoonkaasi ay ka dambeeyeen dagaalyahanada ,islamarkaana ay gowraceen ninkaasi odayga ah.
Waxaa uu sheegay in ninkaasi uu ka mid ah dadka si weyn looga yaqaano gobolka Gedo,islamarkaana ay ka qaateen Gaari uu watay markii ay dileen.
Degaanka weerarka uu ka dhacay, ayaa lagu magacaabaa quraan googoo, wuxuuna ku dhaw yahay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Xuseen Maxamuud Faarax (Xuseen Dhafoor), ayaa lagu magacaabi jiray ninka ay dileen Al-Shabaab.
Waxa ay sheegeen Al-Shabaab in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada kusoo dooratay Magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland.


