Maamulka Degmada Baydhabo ee Gobolka bay ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Degmadaasi in laamaha ammaanka ay kala shaqeeyaan suggida ammaanka Magalaada Baydhabo.
Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ee Gobolka Baay C/laahi Cali Watiin oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay wada shaqeynta shacabka Degmada Baydhabo la’aantood inuusan amniga hagaageyn.
Dadka ku nool Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan waxa ay fahmeen ahmiyada uu leeyahay ammaanka iyo ka hortagga weerarada ay qorsheeyaan Al Shabaab.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay xoog saari doonaan wacyigelinta Bulshadda kunool Magaalada Baydhabo.


