Beledweyne-RisaalaFM- Maamulka Magaaladda Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay ka hadleen xaalada amni ee Magaaladaasi, waxaana ay soo saareen amaro.
Madaxa Amniga Magaalada Beledweyne Carab Nuur Yuusuf oo la hadlay warbaahinta Risaala ayaa sheegay in aysan jirin wax Qori ku dhex qaadan kara Magaalada, marka laga reebo Hay’adaha Amniga.
Waxa uu sheegay qorshaha in uu yahay sidii loo sugi lahaa Amniga, wuxuuna sheegay dalka in uu ka tagay in hada lagu dhex mooryaameeyo, dadkana lagu qalqal geliyo Hubka aan sharciga aheyn.
Sarkaal Carab Nuur ayaa sheegay keliya in ay Magaalada Hub ku dhex qaadan karaan Afarta Hay’adood ee Amniga Magaalada quseeyo, wuxuuna shakhsiyaadka caadeystay falkaasi uga digay in ay arrintaasi sameeyaan.
Ammaanka Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maalmahan waxa uu yahay mid aad u soo hagaagaya, maadaama qeybaha kala duwan ee Ciidamada ay wadaan dadaalo lagu sugayo Nabadgelyada.


