Aadan-Yabaal-RisaalaFM- War kooban oo goor dhow Al-shabaab ay ku sooo qoreen baraha ay ku faafiyaan wararkooda ayay ku sheegteen in ay qabsadeen degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Gudoomiyaha degmada Aadan-yabaal oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa beeniyay wararka sheegaya in Al-shabaab ay la wareegeen degmada Aadan-yabaal.
Waxa uu sheegay in degmada Aadan-yabaal ay hada ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya sidoo kalena jawiga degmada uu yahay mid degan.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin deegaanka Mubaax oo qiyaastii 8-KM ujirta degmada Aadan-yabaal.
Ilaa iyo hada majirto warar ka madax banaan oo xaqiijinaya sida dhabta ah ee ay wax uga jiraan degmada Aadan-yabaal.


