Taliyaha ciidanka booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geeddi oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka hortageen Qaraxa, waxaana uu xaqiijiyay dhimashada 2 askari ee ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Qaraxa ay ku dhaawacmeen 3 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.
Bishaar Abshir Geeddi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay Qaraxa la damacsanaayeen askar loogu tala galay in ay xaqiijiyaan ammaanka gobolka Banaadir oo xilliyada habeenkii ah sameeya howgallo.
Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan gaarin hadafkii ay kala lahaayeen Qaraxa oo ahaa in ay ku laayaan askarta xaqiijinaysay ammaanka gobolka Banaadir.
Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay Qaraxa la beegsadeen ciidamo isku dhaf oo howlo lagu xaqiijinaayo amniga caasimada ka waday Muqdisho, gaar ahaan dhanka isgoyska Sayidka.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay weerareen Kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda Soomaaliya oo maraayay isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen in ay dileen 17 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in weerarka uu fuliyay Naftiisa hure ka tirsan ciidanka Al-Shabaab.


