Daawo Sawirada Qarax xalay ka dhacay Muqdisho

Inta la xaqiijiyay 2 Askari oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhimatay Qarax ismiidamin oo xalay ka dhacay meel u dhow Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Otto Otto ee isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa oo uu waday qof naftiis hure ah ayaa loo adeegsaday Qaraxa.

Gaari ayaa waxaa waday nin isku soo xiray Walxaha Qarxa , waxaana wararka Qaar ay sheegayaan in ciidanka dowladda Soomaaliya ay  hakiyeen Gaariga,  uuna diiday in uu istaago ka dibna uu ku dhuftay Gaari ay lahaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya oo oo goobta yaallay.

Ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa goobta gaaray , waxaana ay halkaasi ka qaadeen dhaawacyo .

Taliyaha ciidanka booliska Gobolka Banaadir  Bishaar Abshir Geeddi  oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka hortageen Qaraxa, waxaana uu xaqiijiyay dhimashada 2 askari ee ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Qaraxa ay ku dhaawacmeen 3 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay weerareen Kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda Soomaaliya oo maraayay isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in weerarka uu fuliyay Naftiisa hure ka tirsan ciidanka Al-Shabaab.

qarax2-1 qarax6 qarax5 qarax4-640x360 qarax4-1 qarax3