DHAGEYSO: Lacago loogu deeqay Abaaraha Hirshabeelle

Jowhar-RisaalaFM- Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle oo ah Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Maamulkaasi ayaa la gudoonsiiyay warqad ay ku saxiixan tahay lacag dhan 150,000 oo Dollar.

Lacagtan lagu wareejiyay Wasiirka ayaa waxaa loogu tala galay in wax looga qabto Abaaraha daran ee ka jira Degaanada Maamulka Hirshabeelle, taasi oo saameysay dadka iyo duunyada.

Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Batuulo Axmed Gabale, kana tirsan Guddiga Abaaraha Qaran ayaa ku wareejisay lacagtaas Wasiirka, iyada oo ku baaqday in si deg deg ah loo gaarsiyoo dadka loogu tala galay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa gudoomay lacagtan, isaga oo sheegay in lacagtan la gaarsiin doono dadka u baahan ee loogu tala galay.