DHAGEYSO: Lacag lagu wareejinayo Guddiga Gurmadka Qaran

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay Guddiga Gurmadka Qaran in maalinta Khamiista ah ay ku wareejinayaan lacag dhan Hal Milyan oo Dollar.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan cadow Soomaaliyeed oo u soo jeestay in ay dhammeeyaan shacabka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in si wadajir ah loola diriro.

Lacagtan ayaa wuxuu qorshaha yahay in loogu gurmado dadkii dhibaatada ay ka soo gaartay Qaraxii Zoobe iyo Ganacsatadii halkaasi ku hanti beeshay.

Weli waxaa socda dadaalada iyo gurmadka loo fidinayo dadkii musiibada ay ka soo gaartay Qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen boqolaal dad ah.