Muqdisho-RisaalaFM- Saraakiisha Booliska Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlayay dar dar gelinta Amniga Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka.
Kulankan oo ka dhacay xarunta General Kaahiye ee Magalaada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Booliska Soomaaliyeed uu yahay mid ka shaqeeya Nabadeynta Bulshada, balse uusan aheyn mid dhibaato u geysta Bulshada.
Wuxuu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud in Booliska Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u turaan shacabka oo mar walba ay caawiyaan, isagoo sidoo kale Ciidanka Booliska kula dar daarmay in nabada ka shaqeeyaan.
Ugu dambeyntii Shariif Sheekhunaa Maye oo ahaa Taliyihii hore ee Ciidanka Boolsia Soomaaliyeed ayaa isna dhankiisa sheegay in Boolska Soomaaliyeed ay yihiin kuwo mar walba ka shaqeeya Nabada.


