AC Milan Oo Ku Guuleysatay Saxiixa Cesc Fabreags

AC Milan ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Chelsea iyagoo amaah bisha January kaga doonaya ciyaaryahanka khadka dhaxe ee Cesc Fabreags.

Si kastaba ha ahaatee SunSport ayaa daaha ka qaaday in Milan ay dadaal ku bixin doonto wadahadalka ciyaaryahanka ilaa bisha December ee sanadkaan si ay u dhameystirto bilowga sanadka cusub keenistiisa.

Madaxweynaha Milan Silvio Berlusconi ayaa iska iibiyay Rossoneri oo ay hadda maamulyana milkilayaan kasoo jeeda Chine.

Ilo wareedyo ayaa shaaca ka qaaday in ay wadahadal meelk fiican maraya hadda maamulka AC Milan la qaadanayaa kooxda Chelsea oo ay ka rabaan xiddiga reer Spain ee Cesc Fabreags, kasoo aan muhiim ka aheyn kooxdiisa.

Milkiilayaasha cusub ayaa lagu wadaa in ay kooxda u magcaabaan Agaasimihii hore ee Inter iyo Juventus Marco Fassone inuu noqdo Agaasimaha cusub ee kooxda.