Baydhabo-RisaalaFM- Guddiga Gurmadaka Abaaraha Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed oo kulan yeeshay ayaa waxa ay sharaxaad ka bixyeen Abaaraha ka jira Degaanadaasi iyo gurmadka ilaa iyo hada la sameeyay.
Kulankan oo socday mudo saacado ah ayaa waxaa inta badan looga hadlay sidii loogu gar gaari lahaa dadka iyo duunyada ay Abaartu ku saameysay Degaanada Koonfur Galbeed.
Ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay dadaal in ay ugu jiraan sidii loo caawin lahaa dadka ay Abaarta ku habsatay.
Maxamed Xasan Fiqi Ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale waxa uu Wadamada caalamka ugu baaqay in ay gar gaar la soo gaaraan dadka dhibaateysan.


