Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle waxaa weli ka soconayo kulamo loogu hadlayo sidii xilka loogu qaadi lahaa Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.
Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa hormuud ka ah kulamada ka soconayo Magaalada Jowhar ee loogu soo horjeedo Madaxweyne Cosoble.
Qaarkood oo la hadlay warbaahinta waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in xilka laga qaado Madaxweyne Cosoble maadaama sida ay sheegeen uu ku fashilmay dhaqan gelinta balan qaadyadii uu horay u qaaday.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayay ugu baaqeen inuu si deg deg ah ku yimaado Magaalada Jowhar.
Sidoo kale waxa au ugu baaqay in uu guto waajibaadkiisa isla markaana uu jowhar tago si go’aan loogu gaaro mooshinka ay wadaan sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.
Mooshin ay ku saxiixnaayeen 72 Xildhibaan ayaa shalay loo gudbiyay Guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle.
Mooshinkan ayaa ah kii labaad oo Xildhibaanada Hirshabeelle ka keenaan Madaxweyne Cosoble, lix bilood ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale mooshin uga keeneen.



