Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda degaanada Jubbaland oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Kulamo Wadatashi ah ay la qaadanayaan Masuuliyiinta Maamulka Jubbaland.
Kulamadaasi ayaa waxaa loogu hadlayaa sidii Xildhibaanada lagu doortay Kismaayo ay ugu war qabi lahaayeen Shacabkooda.
Waxaa sidoo kale la sheegay in kulamadaasi loogu hadlayo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Masuuliyiinta Jubbaland iyo Xildhibaanada Cusub ee laga soo doortay deegaanada Jubbaland.
Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in shacabka Jubbaland ay wax walbo la wadaagaan maadaama sida uu sheegay ay yihiin dadkii ay matalaayeen.


