Taliska ciidanka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen kooxihii ka dambeyey bambooyin dhawaan lagu weeraray saldhiga magaalada Baledweyne.
Taliska ayaa sheegay in ay sidoo kale gacanta kusoo dhigeen kooxihii dambeyey dil dhawaan magaladaas loogu geystay macalin dugsi kasoo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Xaashi.
Taliyaha ciidanka Baledweyne Cali dhuux ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen kooxihii dilka u geystay macalinka iyo kuwo Bambooyin ku tuuray saldhiga Baledweyne.
Taliye Cali Dhuux ayaa sheegay in dadka la soo qabtay ay ka tirsan yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,islamarkaana sharciga la horgeyni doono.


