DHAGEYSO: Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqday howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay bilaabayaan howlgalo cusub oo la doonaayo in Shabaab looga sifeeyo deegaanada iyo degmooyink ay ka joogaan maamulka Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo loogu talagay in ay go’doonka ka saaraan degmooyinka iyo sidoo kale deegaanada ay Shabaab gacanta ku hayaan.

Wasiirka wasaarada hub ka dhigista iyo maleeshiyaadka Xasan Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay guulo muhim ah ka gaareen dagaalada ay kula jiraan Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay deegaano dhowr kala wareegay ururka Al-Shabaab.