DHAGEYSO: Koonfur Galbeed oo ka hadashay howlgal ka dhacay Baay

Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Weerar qorsheysan oo ay ku qaadeen degaano hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobolka.

Maamulka Koofur galbeed ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen weerarkaasi kuwa kalena ay ku dhaawaceen.

Sidoo kale Maamulka waxa uu sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen rag ka tirsan Al-Shabaab intii uu socday weerarka.

Afhayeenka Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Nuuradiin Abuukar oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii Al-Shabaab ay kaga saari lahaayeen guud ahaan degaanada koofur galbeed.

waxa uu tilmaamay in ay xoojinayaan Weerarada Al-Shabaab lagu qaadayo.

Afhayeenka Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Nuuradiin Abuukar ayaa sidoo kale Idaacadda Risaala u sheegay in Maamulka ay ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab.

maalmihii dambe ayaa degaanada koofur galbeed waxaa ka dhacaayay dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada maamulka koofur galbeed.