Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.
Xaafada Siliga ameerikaanka ee Degmada Dharkenley ayaa xalay waxaa lagu dilay nin la sheegay inuu dadka degaanka kamid ahaa, Dilkiisa waxaa loo adeegsaday Qori AK47, Waxaana meydkiisa la keenay xarunta Danbi baarista ee C.I.D.
Labo Wiil oo wada dhashay ayaa Sidoo kale xalay lagu dilay degaanka ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana dilkooda geystay Kooxo hubeysan.
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo soo gaaray goobaha ay ka dhaceen dilalka ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaano, ilaa iyo haddana faahfaahin kama bixin cid lagu soo qabtay.
Amniga Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahaa Mid wanaagsan, waxaana ciidamada dowladda ay wadeen howlgallo lagu xaqiijinaayay Ammaanka.



