Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay jawaab deg deg ah ka bixin doonaan Weerarada Al-Shabaab ay kusoo qaadaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay kordhiyeen Weerarada ay kusoo qaadayaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM in ay usoo gurmadaan dadka kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed oo uu sheegay Al-Shabaab in ay dhibaato badan ku hayaan.
Al-Shabaab ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay kordhiyay Weerarada ay ku qaadayaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed.


