Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad sugidda Soomaaliya, kaasi oo ka dhacay xarunta Gaadiidka Booliska oo ku taalla degmada C/casiis.
Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle), Wasiirka Cadaaladda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir (Eng. Yariisow), Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad sugidda iyo saraakiil kale oo Ciidan.
Kulankan ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii Shabaab maalin cad ay weerar ku soo qaadeen meel ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana wax la isaga weydiiyay sababta ka dambeysay rag Shabaab ka tirsan in ay weerar ku fuliyaan dareeska Ciidanka iyo arrimo kale.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay wixii hada ka dambeeya in la kordhinayo Howlgalada, Shabaabna loogu tagayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan, si caasimadda ay u noqoto mid amnigeeda la isku haleyn karo.
“Waxaan idinkaga mahadcelineynaa ka jawaabistii codisgii shacabka ee ahaa in Ciidamada xasilinta ay ka howlgalaan caasimadda si kooxaha nabad diidka loogu tago meelaha ay ku dhuumaleysanayaan, oo aan loo sugin falkii Jimcaha oo kale oo dhalinyaro ka soo baxday Xeebta Liido ay ku xasuuqeen, shacabka wuxuu diyaar u yahay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka.” Ayuu yiri Yariisow.
Khayre oo kulanka soo xiray ayaa Ciidamada ka dalbaday in ay ka feegijnaadaan isku dhac dhxedooda ah, taasi bedelkeedana hubka ay wataan looga baahan yahay in ay ku difaacaan shacabka, si shacabka ay u helaan hurdo aan laheyn cabsi.
Wuxuu sheegay Khayre shir amni oo uu shalay la yeeshay Wasiirada iyo Taliyeyaasha in ay ugu balameen sidii loo dardar gelin lahaa Howlaha amniga, wixii maanta ka dambeeyana Muqdisho ay ka bilaabanayaan Howlgallo culus.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dalbaday Taliyeyaasha iyo Ciidamadooda in ay ka shaqeeyaan dardar gelinta amniga, iyada oo Xukuumadddu ay diyaar u tahay in ay garab taagnaato Ciidamada,
“Laakiin marka hore inta aadan amniga sugin waa inaad adkeysaan wadashaqeyntiina, qalabkan iyo qoryahan dhaqaalaha canshurta ummadda Soomaaliyeed laga aruuriyay oo idinka la idinkugu dhiibay inaad amniga ku sugtaan, waxaan adinka iyo Taliyeyaashiina adinka codsaneynaa marka hore in laga feejignaando inaanay dhicin isku dhac Ciidamo kala duwan, qalabkan waxaad u heysataan inaad ummadda Soomaaliyeed kaga difaacdaan cadowga ijaafeeyay, Taliyeyaasha waxaan leeyahay waa inaad qaadaan talaabo walba oo suuragal ah.” Ayuu yiri Khayre.
Xoogag ka tirsanaa Shabaab oo Dowladdu ay tiradooda ku sheegtay Shan nin ayaa weerar Qaraxyo watay oo Jimcihii ina dhaaftay ay ku soo qaadeen meel ku dhow Madaxtooyada iyo Hotelka Dorbin waxa ay ku dileen in ka badan 20 qof.



