Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray degaanka Goofgaduud ee gobolka Baay.
Xoogaga Ururka Al-Shabaab, ayaa saakay aroortii weerar lagu jarmaaday waxa ay ku qaadeen degaanka Goofgaduud oo qiyaastii 30-KM u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Shabaabka, ayaa dhanka Koonfureed ka weeraray degaanka , iyagoo iska caabin kala kulmay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo fariisimo ku leh labada cirif ee Goofgaduud laga galo.
Ciidamada Millitariga Soomaaliya ee ku sugan degaanka Goofgaduud iyo Shabaabkii weerarka soo qaaday ayaa halkaasi waxaa ku dhexmaray dagaal mudo socday, kaasi oo laga maqlay hubka la isku adeegsanayay degaanada halkaasi ka dhow.
Ugu dambeyntii Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay qabsadeen degaanka, islamarkaana ay gubeen Saldhigii ciidamada dowladda iyo Sidoo kale xaruntii degaankaasi.
Gudoomiyaha degaanka Goofgaduud Xasan Isaaq ayaa u sheegay idaacadda Risaala in dagaalyahanadii Al-Shabaab ay dib uga baxeen degaanka Markii ay gubeen xarunta maamulka degaanka.
Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay ka dhinteen labo Askari , halka Al-Shabaab ay ka tageen Meydadka 4 Ruux sidda uu sheegay Gudoomiyaha degaankasi.



