Madaxweynaha Maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan marnaba ku biiri doonin maamulka Somaliland.
Hogaamiyaha Maamulka Khaatuma ayaa sheegay in aysan ku darsami doonin Somaliland ,laakiin ay doonayaan oo kaliya in ay noqdaan labo maamul oo daris ah.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay been abuurtahay Wararka sheegaya in khaatumo ay doonayso in ay ku biirto Somaliland.
Maamulada Khaatumo iyo sidoo kale Somaliland ayaa bilihii lasoo dhaafay Waxaa u socday wadahadalo , waxaana wararka ay sheegayeen in khaatumo ay doonayso in ay ku biirto Somaliland.
Somaliland ayaa horay u sheegtay in maamulka Khaatuma uu ka taliyo dhul ay leedahay Somaliland.


