Khaatuma-RisaalaFM- Wasiirka war faafinta maamulka Khaatuma Axmed Xaaji Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in ay wada hadal la furan doonaan maamulka Soomaaliland.
Wasiirka ayaa sheegay in wafdi ka tirsan maamulka Khaatuma ay u direen dhanka Soomaaliland si ay wada hadal nabadeed ula furtaan.
Axmed Xaaji Cali Wasiirka war faafinta maamulka Khaatuma ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhowaan sidoo kale ay wada hadal la furan doonaan maamulka Puntland oo colaad ay kala dhaxeyso maamulka Khaatuma.
Waxa uu sheegay Wasiirka war faafinta maamulka Khaatuma in wada hadalkan ay ka rajeyn doonaan mid ku soo dhamaada waxyaabo faa’ido ugu jirta umadda labada dhinac.


