DHAGEYSO: K/Galbeed oo ka qeylo dhaamisay Abaarta

Baydhabo-RisaalaFM- Maamulka Koonfur Galbeed ayaa marba marka ka sii dambeysa waxa uu ka qeylo dhaaminayaa Abaarta daran ee ka jirta Degaanada Maamulkaasi.

Abaaraha ka jira Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ah kuwo aad u daran, waxaana ay saameeyeen dadka iyo duunyada ee ku nool Degaanada Koonfur Galbeed.

Maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu Hay’adaha gar gaarka, Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay gar gaar la soo gaaraan dadka dhibaateysan.

Wasiirka War-faafinta Maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay muhiim in ay tahay in wax laga qabto Abaaraha.

Shalay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah Maamulka Koonfur Galbeed waxaa kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay Golaha Wasiirada, waxaana diirada lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha.