DHAGEYSO: Kenya oo markale diyaaradaheeda ay duqeeyeen gobolka Gedo

Afhayeenka maamulka gobolka Gedo Nuur Sayax Xareed oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay duqeymo diyaarada Kenya ay mar kale ka geysteen Gedo.

Afhayeenka Ayaa sidoo kale sheegay in duqymahaasi aysan geysan wax qasaaro ah isagoo dhan kale tilmaamay in deegaanka tuulo Barwaaqo oo ka mid ah deegaanada ku yaala Gedo in Xarakada Al-shabaab ay si dhuumaaleysi ay ku yimaadaan mararka qaar.