Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Kenya Josef Nkazary ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dardar galineyso sidii dib dalkooda loogu celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee faraha badan ee mudada dheer ku noolk xeryaha qaxootiga ku yaala gudaha dalka Kenya.
Josef Nkazary oo warbaahinta kula hadlay dalka Kenya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in qaxootiga Soomaaliyeed qaarkood ay rabaan in ay dalkooda ku laabtaan laakiin ay jiraan shaqsiyaad iyo hay’ado gaar ah oo doonaya in ay qaxootiga sii joogaan.
Waxa uu sheegay hay’adahaasi in caalamka lacago badan ay kaga qaataan in qaxootiga ay sii deganaadaan xeryaha qaxootiga eek u yaala Kenya taasina aysan suurtagal ahayn.
Hay’ada qaxootiga u qaabilsan qaramada midoobay dowladda Kenya iyo dowladda Soomaaliya ayaa horay u wada ogolaaday in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qaxootiga dalka Kenya in ay dib u soo laabtaan intii ogol.
Dhowr jeer oo hore ayaa saraakiisha amaanka dalka Kenya waxay sheegeen xeryaha qaxootiga oo ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed in dhibaato badan oo dhanka amniga ah Kenya ay ku yihiin.
Waxayna sidoo kale ay ku eedeeyeen in qaraxyo badan oo ka dhaca gudaha dalka Kenya laga soo abaabulay xeryaha qaxootiga.


