Waxaa maalinkii 7-aad galay Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala, waxaana galabta Tartan xiiso badan uu dhexmaray Degmooyinka Kaxda iyo Cabdicasiis oo labaduba ku yaala gobolka Banaadir.
Shirkadda Cabitaanada COCA COLA ayaa ah shirkad dalka keenta cabitaano aad u heer sareeya sidoo kalena sanadkan dhexda u xiratay in ay maalgaliso Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala, waxaana mar walba COCA COLA ay taageertaa oo kharash ay ku bixisaa dadka waxbarta iyo sidoo kale dadka taageera waxbarashada.
Tartanka Sanadkan Idaacadda Risaala ay qabaneyso ayaa waxaa qori tuurkiisa loo sameeyay oo ka qeyb galaya 16 degmo kuwaas oo 2 kamid ah ay ka socdaan gobolka Shabeelaha Hoose halka 14-ka kalena ay ka socdaan gobolka Banaadir.
Degmooyinka Kaxda iyo Cabdicasiis ayaa galabta waxa ay soo bandhigeen tartan aad uheersareeya, waxaana degmo kasta sida caadada aheyd la weydiiyay 6 su’aal.
Tartanka galabta dhexmaray Degmooyinka Kaxda iyo Cabdicasiis ayaa waxa uu ahaa mid ka duwan tartamadii horey u soo dhici jiray maadaama tartanka Labada Degmo uu ku soo idlaaday bar baro min 8 dhibcood ah.
Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar ayaa ugu dambeyn waxa uu ku dhawaaqay natiijada taranka udhaxeeyay degmooyinka Kaxda iyo Cabdicasiis.
Maalinta beri ah oo Bisha Ramadaan ay noqon doonto 8 hadii uu Alle idmo ayaa waxaa wada bartami doona Degmooyinka Hodan iyo Boondheere oo kuwada jira Group D.


