Gudoomiyaha Xildhibaanada Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta soo xiray kalfadhigii koowaad ee xildhibaanada baarlamaanka Aqalka Sare.
Waxaa uu sheegay intii uu socday kalfadhiga xildhibaanada Aqalka Sare in ay waxbadan ay soo qabteen oo ay ka mid yihiin sidii loo sameyn lahaa xeerhoosaadka xildhibaanada Aqalka Sare.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ay qaateen dhowr kulan oo kala duwan oo looga hadlayay horumarinta Dhaqaalaha Xildhibaanada Aqalka Sare.
Xaflad kooban oo ay ka qeyb gali doonaan Madax ka tirsan dowladda oo lagu soo xiraayo kalfadhiga mudanayaasha Aqalka Sare ayaa lagu waddaa in lagu qabto Muqdisho
Cabdi Xaashi ayaa ugu dambeyntii Xildhibaanada Aqalka Sare u sheegay in Fasax ay yihiin.
Kalfadhiga maanta la soo xiray ayaa ah midkii koowaad oo ay yeeshaan Xildhibaanada Aqalka Sare tan iyo markii la aasaasay Aqalka Sare Sanadkii Hore.


