DHAGEYSO: Kalfadhigii Baarlamaanka Galmudug oo lasoo xiray

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey ayaa soo xiray Kalfadhigii Afraad Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa waxa ay galayaan Fasax Muddo 2 bilood ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa waxa uu kulamadooda dib u furmaya oo ay Fasaxa ka soo laabanayaan 5 Bisha Luulyo ee sanadkaan 2017.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Xildhibaanada mudada Fasax ay ku maqan yihiin loogu baahan yahay in ay ka shaqeeyaan samata bixinta dadka abaaruhu ay saameeyeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Xildhibaan kasta loogu baahan yahay in uu Fasixiisa ka faa’iideysto kana hormarinta dadka ku nool degaanada Galmudug.

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey ayaa Xildhibaanada kula dardaarmay Marka ay soo laabtaan in ay ka shaqeeyaan sameynta iyo ansixinta sharciyada horyaalla.

Waxa uu sheegay in sharciyo muhiim ah ay horyaallaan Xildhibaanada loona baahan yahay in ay si deg deg ah ku ansixiyaan, waxa uu sheegay in sharciyada qaar ay muhiim u yihiin howlaha Maamulka Galmudug.

Waxa uu sidoo kale Xildhibaanada kula dardaarmay in inta ay fasaxa ku jiraan ay ka shaqeeyaan caawinta dadka Reer Galmudug ee abaaruhu ay saameeyeen.