DHAGEYSO: Jubbaland “Saraakiil Shabaab ah ayaan dilnay”

Muqdisho-RisaalaFM- Afhayeenka Laamaha amniga Mamulka Jubbaland Axmed Maxamuud Maxamed (Sayid Carab) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay Dagaallo Ciidanka Jubbaland iyo Al-shabaab ku dhexmaray Degaanka Magabow oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Dagaalkaasi in uu ahaa mid saf balaaran ah oo lagu beegsanayay Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab, wuxuuuna sheegay in khasaare lagu gaarsiiyay.

Axmed Maxamuud Maxamed (Sayid Carab) Afhayeenka Laamaha amniga Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay Dagaaladaasi in lagu dilay ilaa Lix sarkaal oo ka tirsan Shabaab, kuwaasi oo u qaabilsanaa dhanka amniga.

Axmed Carab ayaa sheegay saraakiisha Ciidanka Jubbaland ay dileen in uu ka mid ahaa Abuu Muxamad oo shabaab dhexdooda looga yaqiinay (Kuunyo) iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Indha-buur.

Sidoo kale Afhayeenka Laamaha amniga Mamulka Jubbaland Axmed Maxamuud Maxamed (Sayid Carab) ayaa shacabka ugu baaqay ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka amiga,si looga guuleysto Shabaab.

Ciidanka Jubbaland ayaa waxa ay Howlgallo loogu magic daray Wabiga Jubba ka wadan Degaanada Jubbaland, waxayna mararka qaar Dagaalo toos ah la galaan Shabaab.