DHAGEYSO: Jubbaland oo u digtay dadka kunool degaanada ay ku sugan yihiin Shabaab

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa u digay dadka kunool degaanada ay maamulaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku yaalla gobolka Jubbadda Dhexe iyo sidoo kale qeybo ka mid ah gobolka Jubbadda Hoose.

Afhayeenka Laamaha Amniga maamulka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in dadka Shacabka ah laga doonaayo in ay ka fogaadaan meelaha ay ku sugan yihiin Shabaab.

Afhayeenka ayaa xusay in maamulka Jubbaland ay ka go’an tahay in sidda ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto dhibaatooyinka ay ku hayaan Al-Shabaab, islamarkaana dhawaan Ciidanka Jubbaland ay gaari doonaan.

Ciidamada Jubbaland ayaa dhaqdhaaqyo Ciidan ka wadda degaano ku yaalla gobolka Jubadda Hoose, waxaana Madaxweynaha Jubbaland uu sheegay in dhawaan ay tagi doonaan degmada Bu’aalle oo ah xarunta ugu weyn Al-Shabaab ee Jubbaland.