Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in ay jiraan degaano badan oo ku yaalla jubbaland , tasoo aysan suurta gal aheyn in gurmad la gaarsiiyo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in hadii Jubbaland ay hesho kumanaan Milyan oo dollar aysan dhici karin in gargaar la gaarsiiyo degaanada ay joogaan Al-Shabaab.
Waxaa uu tilmaamay in Al-Shabaab ay joogaan degaano badan oo ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya , degaanadaasi Al-Shabaab aysan ogoleyn in la gaarsiiyo gargaar maadaam ay iyagu gacanta ku hayaan.
Dadka kunool degaanada ay maamulaan Al-Shabaab ayaa waxaa uu sheegay in ay yihiin dad ay haysato xaalad adag oo dhanka nolosha ah.
Dadkaasi ayuu sheegay hadii aan gargaar deg deg ah aan la gaarsiin in ay qarka u saaran yihiin in ay dhintaan.


