Taliska Ciidamada maamulka Jubbaland ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegeen in Puntland ay ku wareejin doonaan Askari dhawaan gabadh dhib ugu geystay Magaalada Boosaaso ka dibna u soo baxday Kismaayo.
Taliyaha qeybta ciidanka Booliska Gobolka Jubadda hoose Gaashaanle Sare Maxamed Guuleed Naasir ayaa sheegay in howlgal Ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen ninkaasi.
Waxaa uu sheegay in dhawaan loo gudbin doono maamulka Puntland oo uu kasoo fakaday ninkii Markii uu dhibaateeyay gabadh lagu magacaabo Fa’iiso.
Waxaa ninkaasi lagu magacaa Cabdirisaaq, waxaana uu ka tirsanaa ciidamada Badda Puntland sida ay xaqiijiyeen maamulka Puntland.