DHAGEYSO: Jubbaland oo dagaal ku qaadaysa Al-Shabaab

Ciidamada Maamulka Jubbaland ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu amray in ay isku diyaariyaan dagaal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Maxamed Xasan Dhuumaal oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in ay qaadayaan dagaal xooggan oo ay Al-Shabaab ay kaga saraayaan degaanada Jubbaland.

Waxaa uu sheegay in Jubbaland hadda waxii ka dambeeya ay usoo jeesatay sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa degaanada ay gacanta ku hayaan.

Sarkaalkaasi ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Jubbaland loo diyaariyay qalabkii ay kula dagaalami lahaayeen Al-Shabaab.