Janeraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) ayaa si kulul uga hadlay cabashada kasoo yeertay Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ee keentay in qaar ka mid ah saldhigyadii ay ku lahaayeen Gobolada Shabeellooyinka ay isaga soo baxaan.
Wareysi uu siiyey Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayuu ku sheegay in Ciidamada aan Afar Bilood lasiin mushaar iyo raashin ee kasoo baxay furumaha dagaalka ay tahay dhibaato horleh oo soo korortay, hayeeshee ay u baahan tahay in lag gudbo.
Waxa uu sheegay in ay ka dhalan karaan ka bixitaanka Ciidamada deegaanada qaar in ay Al-Shabaab la wareegaan sidoo kalena la dhibaateeyo dadka dowladda taageersan ee deegaanadaas ku sugan,waxaana uu madaxda dowladda ugu baaqay in xaalada ay wax ka bedelaan.
Gadoodka ay sameeyeen Ciidamada dowladda ayuu sabab uga dhigay inay keentay hadaladii Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee ahaa in aysan jirin ciidamo aan mushaar qaadanin.
Ugu dambeyn Madaxda Dowladda ayuu ugu baaqay in Ciidamada, iyada oo la tirakoobayo lasiiyo mushaarkooda iyo xaquuda kale ay leeyihiin, sidoo kalena dib loogu celiyo saldhigyadooda Ciidamadii gadooday.



