DHAGEYSO: Isbitaalka Caabud-waaq oo la dhigay dad uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka

Caabud-waaq-RisaalaFM- Wasiirka Wasaaradda caafimaadka maamulka Galmudug Naciimo Catoosh ayaa booqasho ku tagtay qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka ee ku yaalla magaalada Caabud-waaq, halkaasi oo ay ku jiraan dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.

Mid ka mid ah dhaqaatiirta caafimaadka ee degmada Caabud-waaq ayaa sheegay in bukaano badan ay hada jiifaan isbitaalka, kuwaasi oo la ildaran cudurka shuban biyoodka.

Naciimo Catoosh Wasiirka Wasaaradda caafimaadka maamulka Galmudug ayaa sheegtay in ay wax ka qaban doonto cudurkan shuban biyoodka ee ka dilaacay degmada Caabud-waaq, si loo badbaadiyo shacabka.

Warbixinta warkan waxaa magaalada Caabud-waaq inooga soo diray Wariyaha Risaala ee degaanada maamulka Galmudug Cumar Laki-Man.