Sh/Dhexe-RisaalaFM- Degaanka Xawaadley oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa xalay waxaa aanooyin qabiil loogu dilay Shan ruux, sida ay sheegeen masuuliyiinta Degaankaasi.
C/laahi Macaani oo ah Gudoomiyaha degaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo la hadlay Risaala ayaa sheegay Shanta ruux ee dilka loo gaystay dilkooda inuu salka ku hayo aano qabiil.
Wuxuu sheegay Guddoomiyaha dhamaan dadkii la dilay in ay hayeen rag, isaga oo sidoo kale sheegay dilka in ay ka dambeeyeen rag hubaysan, kuwaasi oo hada gacanta lagu hayo qaarkood.
Gudoomiyaha degaanka Xawaadley ayaa sheegay inay la yaabeen in Shan ruux hal meel lagu wada dilo, iyadoo dilkaasi uu yahay fal aargoosi ah.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha inay ka hortagayaan falal dambe oo salka ku hayo aano qabiil oo ka dhaca degaanka Xawaadley, maadaama weli horay aysan u dhicin in Shan ruux hal meel lagu wada dilo, iyadoo loo aaneynaayo arimo qabiil.


