DHAGEYSO: Ilaalada Hoteelada Muqdisho oo digniin loo diray

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamed Aadan Axmed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ilaalada Hoteelada Magaalada Muqdisho in aysan qaadan karin Dareeska ama labiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay cidii lagu arko iyadoo dareeska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ku ilaalinaysa Hoteel in laga qaadi doono tilaabo sharciga waafaqsan.

Waxaa uu xusay in ciidamada dowladda Soomaaliya in aysan ka tirsaneyd ciidamada Ilaalada Hoteelada iyo sidoo kale Hay’addaha sida gaarka ah loo leeyahay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayuu ku amray in ay qabtaan qofkii lagu helo isagoo wata Dharka ciidanka dowladda Soomaaliya.