Muqdisho-RisaalaFM- Dib udhac badan ka dib waxaa haatan dar dar gelin lagu sameynayaa maamul dhisida gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo dowladda Soomaaliya iyo urur goboleedka IGAD ay ka wada shaqeynayaan arimahan.
Mas’uuliyiin ku sugan magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ayaa inoo sheegay in Bishan gudaheeda la qorsheynayo in si aad ah loo dar dar geliyo maamul dhisida Labadaasi gobol.
Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in ay tagaan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo Waxgaradka Hiiraan ku qancinaya in ay tagaan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe si ay kaga qeyb galaan howlaha maamul dhisida gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Waxaa jira Waxgarad ka soo jeeda gobolka Hiiraan oo ku sugan magaalada Beledweyne kuwaas oo diidan in ay tagaan magaalada Jowhar si uu u sii socda shirka maamul usameynta labada gobol.
Sidoo kale Xubno ka socda dowladda Soomaaliya iyo urur goboleedka IGAD ayaa lagu wadaan in ay tagaan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe si ay u sii wadaan howlaha maamul dhisida gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Qaar ka mid ah Waxgaradka ayaa dowladda Soomaaliya eedeymo ujeediyay, iyagoo ku eedeynaya in ay fara gelin ku heyso shirka maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Howlaha maamul dhisisada gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa in mudo ah soo socday, iyadoo dib udhac badan uu jiro.


