Afmadow-RisaalaFM- Maamulka Jubbaland ayaa wuxuu faah faahin ka bixiyay Howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab oo Ciidamada Jubbaland ay ka sameeyeen degaano iyo Tuulooyin hoosyimaada degmada Afmadow.
Taliyaha Ciidamada ammaanka ee degmada Afmadow Aar Sheekh Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada ay la wareegeen degeeno dhowr ah oo ka tirsan degmada Afmadow, wuxuuna sheegay Shabaab in ay ka xoreynayaan Gobolka.
Abaanduulaha Ciidamada Daraawiishta ee degmada Afmadow Mahad Islaam ayaa dhankiisa sheegay in ay sii wadi doonaan Howlgalada ka dhanka ah ee Shabaab, wuxuuna tilmaamay Ciidamada in ay diyaar u yihiin Dagaalka Shabaab.



