Howlagal lagu soo qabtay in ka badan 120 ruux ayaa laga sameeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Howlgalka ayaa badankiisa waxa uu ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo uu ka arimiyo maamulka Puntland.
Taliye ku xigeenka Qeybta Booliska gobolka Mudug Cabduqaadir Faarax Shire ayaa sheegay in howlgalada lagu soo qabtay ku dhawaad 120 dhalinyaro ah kuwaa soo lagu shakiyay in ay amni daro ka wadeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Waxa uu sidoo kale uu sheegay in waalidiinta kunool gobolka Mudug looga baahan yahay in ay la socdaan waxyaabaha ay qabanaayaan caruurtooda.
Taliye ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ay kusoo qab qabanayaan dadka looga shakiyay in ay Al-Shabaab xiriir la leeyihiin.


