Waxgaradka kasoo jeeda gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa kasoo horjeestay qaabka loo maaraayo dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Waxa ay sheegeen in ay haboon tahay in laga fogaado waxyaaba qaarkooda waxayna dalbadeen in aan loo dhisan maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe sida loo dhisay maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Waxgaradka ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn sida ay wax u wado wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya.
Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha ayaa waxaa ka taagan khilaaf xoogan oo sameyn ku yeeshay shirkii maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa dhankood wacad ku maray in aysan marnaba ka qeyb gali doonaan shirka maamul sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo gogoshiiso taal magaalada Jowhar.


